Magacaabista AFGADUUD oo maalin mugdi ah u noqotay booliska PUNTLAND (Xog xasaasi ah)!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmo ka hor Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas uu magacaabay Taliyaha Booliiska Puntland Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf Afgaduud, ayaa waxa uu Taliyuhu durbadiiba u goodiyay Ciidamada Booliska Maamulka Puntland.

Afgaduud oo markii ugu horeysay ka hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan Ciidamada kala gorgortami doonin shuruucda Ciidamada waxa uuna daboolka ka qaaday in Askarigii ku dhex qeyliya Xafiisyada Ciidamada Maamulka ama ku dhex qayila uu si ganbasho la’aan ah shaqada uga ceyrin doono.

Afgaduud waxa uu ku goodiyay in Ciidamada intooda badan uu wax ka bari doono sharciga, isaga oona ka bedeli doona kan iminka ay heystaan oo uu u arko inuu yahay mid qaldan.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu shaqo ka fadhiisin ku sameyn doono askarigii lagu arkaa isaga oo goob shaqo Qaad ku cunaya shaqada laga eryi doono, sidoo kalena sarkaalkii falkaasi lagu arko isna la eryi doono.

Nuqul kamid ah hanjabaadiisa ayaa waxaa kamid ahaa “Meel kasta oo shaqo Boolis laga hayo waa ka mamnuuc Qaadka, askarigii lagu helo waa Ruqso, askarigii aan Laba indho ku saaro isaga oo meel shaqo ku qayilaya ha ogaado shaqadiisa ayuu ku weyn doonaa, sarkaalkii aan ugu imaado isaga oo ku qayilaya meel shaqo isna waa sidaas oo kale, sarkaalka kale oo aan shaqo hayn misane ugu imaado xabsi buu ku galayaa”

Dhinaca kale Taliyaha cusub ee ciidamada Booliiska Puntland Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf Afgaduud ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska si loo helo amni iyo kala dambeyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com