XILDHIBAAN ku kacay fal argagaxiyey dumarka!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada dalka Kenya ayaa dib uga laabatay kiis la xiriira kufsi uu geystay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya.

Xildhibaanka falka kufsiga geystay ayaa waxaa lagu magacaaba Gidcoon Mwiti.
Sargaal u hadlay Maxkamada ayaa cadeeyay in la hakiyay kiiska, kadib markii wada hadal uu u furmay qoyska Xildhibaanka iyo kan gabadha la kufsaday.

Maxkamada ayaa sidoo kale damiin kusii deysay Xildhibaan Gidcoon Mwiti, waxa ayna Maxkamadu sheegtay in goortii loo baahdo uu dib ugu soo laaban doono Maxkamada isaga oo dhameysan doona baaritaanada ku harsan.

Mr Gidcoon Mwiti, ayaa Maxkamada ku horbixiyay lacag lagu qiyaasay 100,000 Sh Kenyaan ah, lacagtaasi oo la sheegay inay kamid tahay damiinta.

Dhanka kale, Falka uu Xildhibaan Gidcoon Mwiti geystay ayaa noqday hadal heynta ugu badan xiligaani ka taagan dalka Kenya waxa uuna noqonayaa Mudane ka talaabay sharciga firqooyinka bulshada khuseeya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com