WARBIXIN: Axmed Madoobe oo taliye ciidan u magacaabay sarkaal ku dhowaa DF + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Digreeto kasoo baxda Xafiiska Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidamada Gobolka Gedo.

Digreetada ayaa waxaa lagu magacaabay Col. Cabaas Ibraahin Gurey, iyadoo ku xigeenkiisana loo magacaabay Cabdulaahi Cismaan Cumar ”Cadulaahi yare”, waxaana Digreetada lagu xusay in arrimaha Ciidanka Gobolka looga danbeyn doono Taliyaha Cusub.

Labadan Sarkaal oo iminka ku sugan Degmada Dolow ee Gobolka Gedo ayaa waxay si diiran u soo dhaweeyeen Xilka cusub ee loo magacaabey, waxayna sheegeen in ay si buuxda uga soo bixi doonaan Xilkan culus ee loo igmadey.

Saraakiishaan ayaa sheegay in aqoon badan ay u leeyihiin dhismaha Ciidamada iyo hogaamintuba.

Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Gobolka ayaa waxay u hambalyeeyeen Magacaabistan, iyagoona sheegay in ay si buuxda ula shaqeyn doonaan Saraakiishan oo ay sheegeen in wax badan ay ku soo kordhin doonaan Ciidamada Soomaaliyeed ee ka howl gala Gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com