XOG: XAABSADE oo loo magacaabayo xil cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Gaas ayaa wado qorsho uu xil ugu magacaabayo Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Ilo ku dhow dhow Hogaamiyaha Maamulka Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Gaas uu soo saaray Digreetada lagu magacaabi lahaa Xaabsade.

C/weli Gaas ayaa doonaya in Mas’uulkaasi uu u magacaabo Taliyaha ciidamada Asluubta Maamulka Puntland, inkastoo warar kaasi ka duwan uu sheegayo in Xaabsade uu ka biyo diidan yahay xilkaasi, isaga oo ka doorbiday in loo magacaabo xilalka la jaanqaadaya Siyaasada Gobolka.

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa saaxiib dhow la ah Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Gaas, waana tan keentay in Gaas uu Mas’uulkaasi usoo wareejiyo Magaalada Garoowe, xili mudooyinkii danbe uu ahaa mid ku nool Magaalooyinka Jigjiga iyo Hargeysa.

Magacaabista ayaa kusoo aadeysa Seddex maalin kadib markii Taliye cusub loo magacaabay ciidanka Booliska Puntland, xilkaasoo loo magacaabay Col, Cabdirisaaq Afgaduud.

Lama oga sida uu Xaabsade ka yeeli doono Digreetada diyaarsan, inkastoo ay u badnaan doonto inuu aqbalo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com