Duruufaha iyo wakhtiga adag ee la soo maray aad bay u taxnaayeen, Waana kuwo aan marnaba la illaawayn marka la eego Soomaalida dhexdeeda iyo guud ahaan caalamka oo ahaa mid mar kasta ku hawllanaa nabadda Soomaaliya.
Marnaba ma dafirayno in ay jireen waddamo Soomaaliya u diiddan horumarka dhinaca Amniga, dhaqaalaha iyo weliba xal ka gaadhista dhibaatooyinkii adkaa.
Ugu horrayn waddamada caalamka iyo weliba midowga waddamada adduunku (UNITED NATION) markasta waxay ahayeen kuwo waddnaha farta ku haya marka la eego is bedbeddelka xaaladaha Soomaaliya, markasta waxay ku bixinj jireen dhaqaale lugu maarreeyo masiibooyinka iyo weliba jaan-goynta degganaanshaha Soomaaliya oo inta badan waxay markasta Soomaaliya u soo dirijireen dadyow ka socda beesha caalamka kuwaas oo dhaqaale iyo nafta u huraayay Soomaaliyada maarrada loo waayay xaal-keeda siyaasaddeed.
In kastoo wakhtigu uu is beddelo xallad kastana ay ku xidhantahay is beddelka wakhtiga iyo waayaha, waxaad moodda in ay meesha ka bexeen inta badan arrimihii culayska ku hayay beesha caalamka, oo waxaa caddayn kuu ah Soomaaliyadii markasta ay Qarammada Midoobay u soo dirijireen shakhsi qiimo weeyn uugu fadhiya kaas oo weliba ay weheliyaan kaalliyaayaal kala duwan si ay Indho goonni ah uugu yeeshaan xaalladaha Soomaaliya.
Maanta waxaad moodda in culayskii yaraaday oo aan loo baahanayn xubnihii tirada badnaa iyo weliba joogtayntii badnayd, waana tan oo Beesha caalamku inta ay dhowr waddan isku soo dhaftay si wada jir ah uugu soo magacawda hal ergey, oo ah ergeyga Geeska Afrika, Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay dalka Gabon.
Waa tallaabo caddayn u aha in uu yaraaday hawlihii badnaa ee laga hayay gudaha Soomaaliya oo hadda Arrinku wuxuu marayaa in la dhimo juhdigii badnaa ee lugu bixinaayay nabad soo dabbaalidda Soomaaliya, waxaana moodda in wax badan maanta laga maarmay oo dawladda Soomaaliya ay isku fillantahay marka la eego dhinacayada jaan-goynta masiirka siyaasadda iyo weliba meelaynta deeqaha caalamka.
Dhanka kale waa fa’iido u soo hoyatay Soomaaliya oo waxaa meesha ka baxday lacagihii ku bixijiray masuuliyiinta tirada badan, lacagtan oo ahayd mid Soomaaliya meel loogu kaydinaayay ahaydna dayn dusha ka saaran, ama la isticmaali-jiray deeqo ay waddamo iskood ugu deqeen Soomaaliya,
Hadda arrinku wuxuu noqonayaa in si wada jir ah lacagta howlaha lugu fulinaayo looga qaado inta waddan ee ay Qaramada Midoobay u soo magacowday masuulkaas.
W/Q: Cumar Rodol
Cumarrodol@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid