Magacaabistii uu sameeyay Xamza oo durba wajahaysa mucaaradad xooggan

Muqdisho (Caasimada Online) – Magacaabista uu shalay sameeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ee guddiga soo-celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta hantida qaranka ayaa durba wajahaysa mucaaradad xooggan.

Guddigan cusub oo heer wasiir ah ayaa ka kooban siddeed xubnood, sidoo kale waxaa ku jira guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, waxayna magacaabistooda daba socota qaraar ay Khamiistii ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

Guddigan ayaa waxaa loo xil-saaray tirakoobka hantida hay’adaha dowladda, soo celinta hantida qaranka ee sida sharci darrada ah loo haysto, qiimeynta xaaladaha ay ku sugan yihiin hantida qaran ee la tirakoobay iyo kasoo tala-bixinta nidaaminta hantida qaranka ee lasoo celiyay iyo sida ugu haboon ee loo adeegsanayo ugu adeegidda bulshada.

Waxay guddigan warbixin dhameystiran oo geeddi socodka soo celinta hantida qaranka u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha, sida lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Xamza Cabdi Barre.

Gudddoomiye ku-xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo kamid ah dadka sida weyn u dhaliilsan magacaabista uu sameeyay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa uu su’aallo ka keenay hanaanka loo soo xulay iyo shaqada loo igmaday.

“Inta aan waxkale la isla gaarin magaca guddiga ayaaba qurxin u baahan, dhirirkiisa iyo macnayaashiisa wada qaloocan intaba,” ayuu Cali Yare ku yiri qoraal uu soo saaray oo uu si weyn ugu weeraray magacaabista ra’iisul wasaaraha.

Waxyaabaha kale ee guddigan uu ku dhaliilay ayuu ku sheegay in aysan kasoo muuqan laamihii saxda ahaa ee mudna sida; xeer ilaalinta qaranka, hanti-dhowarka iyo wasaaradda arrimaha gudaha.

Hoos ka aqriso qoraalkiisa oo dhameystiran:

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu magacaabay guddi la garan waayay ujeedada laga leeyahay iyo magaciisaba.

Waxyaabo yaab iyo waxyaabo iswaydiin leh labaduba waa ku jiraan magacaabistaan.

1. Inta aan waxkale la isla gaarin magaca guddiga ayaaba qurxin u baahan, dhirirkiisa iyo macnayaashiisa wada qaloocan intaba.

Haddii caawa la waydiiyo RW Xamse inuu korka ka sheego magaca guddigii uu magacowday waa hubaal in aanu sheegi karin, magaca oo (7) macnaboo la isku xariiriyay oo kala duwan ka kooban daraadiis – magaca guddiga waa (Guddiga Tira-koobka, Soo Celinta, Qiimeynta Talo-Bixinta, Nidaaminta, Hantida Qaranka) Cajiib!!

Hadiiba ay dhacdo inaad magaca fahamto, haddana su’aalahaan jawaabahooda ayaa baadigoob kaa sugaya.

  1. Maxaa xilligaan ku soo beegay magacaabistan?
  2. Maxaa loo xushay dadkaan wada cajiibka ah?
  3. Aaway wasaaraddii arrimaha gudaha?
  4. Maxay tahay ujeedada ka danbeysay in madaxtooyadu xoogto booskii Wasaaradda WAG?
  5. Maxaa xeer ilaalinta qaranka looga reebay?
  6. Hanti-dhowaruhu muxuu galabsaday?
  7. Aaway Taliyihii Booliska
  8. Maadaama dhulalkii ciidanka la dagganyahay aaway Taliyihiina Ciidanka Xoogga dalka ?
  9. Dhulka la tirakoobayo ma Muqdisho kali ah-baa mise waa dhulkii Jamhuuriyadda?
  10. Haddii sida muuqata ay Muqdisho kali ay tahay, sabab Muqdisho kali ah?
  11. Maadaama magaca “soo celinta” la isticmaalay dhulka la soo celinayo ma ku jiraan dhulalkii horay loo boobay oo saraha dhaadheer laga dhistay sida xaafadda (ILAAHAA JOOGA) ee jaayga garoonka oo haddii shirkadaha dalka laga xaraasho dakhli xooggan laga heli karo, Madaxweynaha ay barta madoow kaga tirmi karto?
  12. Ma ku jiraan dhulalkii dowladda ee dowladdaan hadda joogta ay bixisay, sida dhulkii ciidanka asluubta, warshadihii dalka sida warshaddii caanaha, Warshaddii Burka, warshaddii Baastada, xeryihii ciidamada, garoomadii kubadda, jardiinooyinkii nasiinada, kaalimihii shidaalka, dhulalkii bangiga, boosteejooyinkii gaadiidka, dhulkii dimayo mirito (Liido), dugsigii farsamada gacan Boli teckniko (kaalimaha shidaalka waxaa bixiyay Madaxweyne Shariif Sh Ahmed).

Inta aan waxkale la gaarin sidee hadda loo joojin karaa guddiyada iskugu jira xildhibaannada, wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee sheeganaya in Madaxweynuhu soo wakiishay oo beecinaya xeryihii ciidanka?

Hadda bartilmaameedka loo socda waa:
1. Dhulkii Kaluunka ee jaayga ku dhaggan
2. Xeraddii ciidanka Oodweyne
3. Guulwadayaasha
4. Daaqa qaranka
5. Siinka dheer
6. Dhulkii xanaanada digaagga
7. Xeradii cuuryaamiinta

DARDAARAN: Inta arrimahaani kala cadaanayaan Shacaboow difaaciinna adkeysta, oo yaan mar labaad dhulalka aad daggantihiin la idinka kacsan oo aanay ku nacfin dad idinla mid ah.

Cali Yare Cali