Jowhar (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyada gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cismaan Ibraahim Ciiley oo la hadlay Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxba aysan kala socon xil ka qaadis lagu sameeyay isaga.
Wuxuu sheegay inay warbaahinta ay ka maqleen wareegto kasoo baxday wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya, laakiin ilaa iyo hadda uusan jirin cid si rasmi ah ugu sheegtay in xil ka qaadis lagu sameeyay.
Cali Ciilay, ayaa arin wanaagsan ku tilmaamay in isbedelo ay dhacaan si horumar loo gaaro, isagoo sheegay in loo maro wadada saxda ah xafiiskana uu baneyn doono marka wareegto xilka looga qaado.
Dhawaan waxaa soo shaac baxay wareegto xilalka loo qaaday qaar kamid ah gudoomiye ku xigeenada Shabeelaha Dhexe, islamarkaana lagu soo magaacay shaqsiyaad cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho