Sawirro: Beesha Mudulood oo maanta ku guuleysatay inay Habar-Gidir iyo…

Gogol nabadeed oo ay shalay Muqdisho ugu fidisay Beesha Mudulood ayaa waxay heshiis rasmi ah ku kala dhex dhigtay Beelaha Biyamaal iyo H/gidir oo mudooyinkii u dambeeyay ku dagaalamayay deegaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.

Gogoshan oo ay ka soo qeyb galee, Odayaal dhaqameedyo, nabadoono, ugaasyo, xildhibaano ka soo jeeda labada beel iyo waxgarad ah, waxaana munaasabad qado ah oo ka dhacday Hotelka City Palace lagu soo bandhigay heshiis ka kooban lix qodob oo lagu heshiiyay labada beelood.

Ugaaska Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle oo gogoshan muddo saddex bil ka soo shaqeynayay, isla markaana nabadoonada iyo ugaasyada labada dhinac ku kala dhex jiray ayaa ugu dambeyn shalay ku guuleystay inuu gogol u fidiyo labada beelood.

Xuseen Caraale Caddaan oo ka mid ahaa Mudanayaashii hore ee Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay gogoshan mid taariikhi ah, isagoo sheegay in shalay wixii ka dambeeya ay noqoto maalintii ay hareen wixii dhibaato ah ee dhacay, isla markaana lagu noolaado nabad, derisnimo iyo ehlenimo.

“Cida gogosha shalay dhigtay xushmad gaar ah ayay leedahay oo ah beesha Mudullood, waxay u yeereen Beelaha Biyamaal iyo H/gidir, waxaa rajeyneynaa in shalay guusha na raacdo oo halkan ka soo baxdo nabad iyo wada noolaansho, ikhlaas beynu Naas ayaa la yiri”ayuu yiri Xuseen Caraale Cadaan.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka hadlay gogosha ayaa ka aqriyay heshiis ka kooban lix qodob oo ay ayideen labada beelood ee walaalaha ah, isagoo cadeeyay in shalay ay tahay maalintii u dambeysay in wixii la kala qabay inay baxdo.

“Muddo badan ayay gogoshan nagu qaadatay, shalay inay halkan ku soo dhamaato oo ay noqoto maalintii u dambeysay, in waxyaabihii la kala qabay inay ku baxaan, dadka ehelka ah iyo qaraabada ah ee wada dega waxaa isku afgaranay qodobada hoos soo socota:-

1-Xabad joojin muddo 20-maalmood ah

2- Gudi kormeera xabad joojintaas, kana kooban labada beelood iyo beesha Mudullood, in gudigaas ay diyaariyaan sidii ciidamada loo kala qaadi lahaa, ciidano nabadgelyo oo dhex dhexaad ah loo geyn lahaa, in gudigaas mudada 20-ka maalmood inay ku kormeeraan goobihii ay wax ka dhaceen

3- In la soo celiyo dadkii ka barakacay colaadaha, lana gaarsiiyo gar gaar deg deg ah

4- In la qarameeyo maleeshiyaadka labada beelood ee gobolka jooga muddo 30 ilaa 60 maalmood gudahood, in gudi farsamo oo dowladda ka tirsan ay fududeeyaan howshaas

5- Cidii kux xadgudubta heshiiskaas in wixii ka yimaad ee dhibaato ah ay iyaga qaadi doonto

6- In la fidiyo gogol nabadeed lagu fidiyo magaalada Marka oo looga hadlayo waxyaabihi dhacay oo dhan, intaas kadibna la qabto shir dib u heshiisiin ah

Intaas kadib waxaa madasha ka hadlay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo ka soo kala jeeday labada beelood iyo beesha gogosha fidisay, nabadoono ka socday labada beelood ee heshiiska la dhex dhigay.

Nabadoon Buulle Abuukar oo ka socday beesha Biyamaal ayaa sheegay inay ayidsan yihiin heshiiskaas, isla markaana ku dhawaaqay xabad joojin rasmi ah.

“waxaa qaadanay maanta oo Arbaco ah, xabad joojin ah, heshiiskaasna waa ayidsanahay, maanta wixii ka dambeeyo waxaa rabnaa nin walbo mininkiisa, mooradiisa iyo mudulkiisa inuu tago oo waliba si nabad ku jirto, waxaa leenahay qodobadaas waa qaadaay ee beesha kale ee walaalaheena ha qaadato”ayuu yiri Nabadoon Buule.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in hehsiiskan loo baahan yahay in si midnimo ku jirto loo meel mariyo, isla markaana cid kasta waajib iska saardo sidii heshiiskan uu u dhaqan geli lahaa.

C/llaahi Sheekh Ismaaciil ayaa ugu baaqay Xukuumada inay gacan ka geysato fulinta heshiiskan, isla markaana ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto inuu mira dhal noqdo, kaalinteedana ay qaadato sida uu yiri.

“Colaad soo jiitameysay in maanta halkan ay ku soo afjarantay waa cusub ayaa baryay, wada jir, walaalnimo iyo gacan is qabso inay noqoto waliba in si Soomaalinimo loo adeego”ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Sidoo kale waxaa dhinaca kale ee beelaha u hadlay Nabadoon Abuukar Ganey oo ugu horeyn u mahad celiyay Beesha soo qaban qaabisay gogoshan, waxaana uu cadeeyay in dhinacooda ay raali ka yihiin heshiiska, ayna aqbalayaan, soona dhoweynayaan sida uu yiri.

Waxaa kaloo madasha ka hadlay odayaal dhaqameedyo, ugaasyo waxgarad labada dhinac, kuwaasoo cod dheer ku soo dhoweeyay heshiiska, isla markaana balan qaaday inay dhaqan gelin doonaan.

Ugu dambeyn gogosha nabadeed ayaa lagu soo afjaray duco, dar daaran iyo dhiira gelin labada beelood loogu jeedinayay, isla markaana Alle looga baryay in colaad dambe ah uusan dhicin, dadka walaalahana uu sheydaanka ka dhex baxo, si ay nabad ugu wada noolaadaan.

???????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????

Xigasho: Jowhar.com