DAAWO: Farriin MUHIIM ah oo ka timid Sheekh Maxamud Aw-Cabdulle Cariif

Waxaa dhammaan walaalaha Soomaaliyeed ee muslimiinta, kheyrkana jecel lagu war-gelinayaa inay jirto fursad qaali ah oo aakhiro iyo adduunba na wada anfaceysa dhammaanteen, oo ah dhisme MASJID, sida uu video-ga hoose inoogu sheegi doono Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif.

Waxaa dib loo billaabayaa dhismaha Masjidu Raxmaan, oo ku yaalla agagaarka xarunta degmada Howl-Wadaag ee magaalada Muqdisho, kaas oo sanado badan qabyo ahaa, sababo la xiriira lacag la’aan darted. Walaalo Soomaaliyeed oo kheyrka jecel ayaa hadda go’aansaday inay dib u billaabaan dhismaha Masjidka.

Inkasta oo weli aysan hayn lacag ku filan si loo dhameystiro dhismaha masjidka, haddana waxa ay isku haleynayaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan inay ka qeyb galaan masjidkaas dhismihiisa.

Qof walba waa ogyahay kheyrka uu dhisme masjid lee yahay adduun iyo aakhiraba. Waa sadaqo ajarkeeda kuu socon doono abid, oo aan kaa dhammaaneyn.

Waa fursad uusan qof kasta helin. Waxaa laga yaabaa in waqtigaaga gaaban yahay, oo aadan heli doonin fursad aad sadaqo kula baxdo, weliba sadaqo socoto ah (Sadaqa Jaariya), oo aan weligeed istaagi doonin. Fadlan waqtiga ugu dhow wax kasta oo aad awoodo ku darso, hadday tahay hal dollar iyo hadday tahay kun dollar iyo ka badan.

Xusuusnow lacag kasta oo aad sadaqo ahaan ula baxday ma ahan mid xoolahaaga wax ka naaqusin doonta, ee waxbay ku dari doonto.
Qof kasta oo haddaba doonaya inuu masjidkaas wax ku sadaqeysto. Fadlan ha ku hagaajiyo

DAHABSHIIL ACCOUNT NO-MUQD-0024779
SALAM SOMALI BANK: ACCOUNT NO: 30324796 MASJIDU-RAXMAN.

Waxaad kale oo la xiriirtaa Xaaji Abuukar Sheekh Axmed Mataan, oo ah ninka howsha masjidka wada, telefonkiisa waa 252615872452, asaga ayaadna lacagta ku xawali kartaa, haddii aadan Bankiga ku shubi karin.

Haddii labadaas qaab ay kugu adag tahay inaad sadaqadaas ku baxsato, waxaa lasoo xiriiri kartaa bahda Caasimada Online. Email: caasimada@live.com, waxaan isku dayi doonnaa inaan toos kuugu xirno dadka ku howlan dhismaha masjidka.

Mahadsanidiin dhammaan. Aan kheyrka ka faa’iideysanno

Sawirrada Masjidka hoos ka eeg.

raxman (1)raxman (2)raxman (3)raxman (4)raxman (5)raxman (6)raxman (7)raxman (8)raxman (9)raxman (10)