Xog: Qeybdiid oo qoray warqad uu sir badan & eedeymo shaaca uga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaraya Gobolka Galmudug, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulkaasi uu cabasho ka yahay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo Puntland kasoo jeeda.

Wararku waxa ay sheegayaan in Cabdi qeybdiid uu qoray warqad dacwo ah oo uu  gudbiyay Beesha Caalamka, taasi oo la xiriirta in DF, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha iyo xubno kasoo jeeda Puntland, ayaa doonayaan inay Garoonka Gaalkacyo u xalaaleeyaan Puntland.

Warqada uu diray Madaxweyne Qeybdiid, ayaa waxaa la sheegay inay ka kooban tahay ilaa Shan warqadood oo ay ku qoran tahay qoraal ay kamid yihiin Hub sharci daro ah oo Wasiiro iyo Xildhibaano ku jira DFS oo kasoo jeeda Puntland ay gaarsiiyeen C/weli Gaas iyo Hub iyo qalab Militeri oo lagala baxay Bakhaarka DF oo laga iibiyay Maamulka Puntland.

Madaxweyne Qeybdiid ayaa waxa uu xiligaani Siyaasad ahaan ku kacsan yahay Maamulka Puntland iyo Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli inay lid ku yihiin maamulka Galmudug.

Lama Oga in Beesha Caalamka ay ka jawaabi doonto cabashada Qeybdiid. Qeybdiid ayaa horey sidoo kale warqad cabasho ah ugu qoray caalamka iyo DF, isaga oo ka cabanaya Puntland.

Dhowr jeer ayaa waxaa Beesha Caalamka la gaarsiiyay warar ku saleysan in Hub lagala baxay Bakhaarada DF, oo la geeyay Deegaanada Puntland. Dadka arrimahaas horey loogu eedeeyey waxaa ka mid ahaa talyihii hore ee booliiska General Saacid, intii uu xilka hayey.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com