26.3 C
Mogadishu
Tuesday, June 10, 2025

Magacyada 10 xildhibaan oo shirqool la damacsan kullanka BFS ee maanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo lagu wado in maanta xildhibaanada baarlamanka loo qaybiyo mooshinka ka dhan ah ra’isul wasaare Cabdi Weli, ayaa waxaa Caasimada Online soo gaaraya warar sheegaya in shirqool lala damacsan yahay kullanka baarlamanka.

Xildhibaanno la hadlay Caasimada Online ayaa sheegaya inuu jiro qorshe ka hortagid ah oo ay wadaan xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ee taageersan ra’iisul wasaaraha.

Qorshahahaan ayaa ah in qayb ka mid ah xildhibaanadan ay billaabi doonaan buuq iyo fowda wadata gacan ka hadal oo la kowsan doonta marka uu qaybiska mooshinka billowdo.

Caasimada Online, ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey liis ay ku qoran yihiin magacyada xildhibaanada diidan mooshinka ee taageersan Cabdi Weli, kuwaasi oo sida la sheegay buuqa billaabi doona, kadibna ay ku biiri doonaan xildhibaanada kale.

Xildhibaanada rabashada u diyaarka ah ayaa waxaa ka mid ah:-

1. Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibril
2. Xildhibaan Xiis Muuse Cawl
3. Xildhibaan Maxmed Isxaaq Xuseen (Afarale)
4. Xildhibaan Suuri Diiriye Carab
5. Xildhibaan Saaqa
6. Xildhibaan Khadija M.Diiriye/Wasiir
7. Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud Finish
8. Xildhibaan Xasan Macallin Maxamuud
9. Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidon
10. Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow.

Xildhibaanada ayaa rabshadda u billaabi doon illaa 60 xildhibaan oo ay ka mid yihiin, kuwaasi oo ah taageerayaasha Cabdi Weli.
Si kastaba, guddoonka baarlamanka ayaa la filayaa inay dalbadaan ciidamo Amisom oo dheeri ah, oo xaaladda gacan adag ku dhiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News