Magacyada mas’uuliyiinta lagu dilay qaraxii maanta

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dashay qarax miino oo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle maanta lagula eegtay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu haleelay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen mas’uuliyiintaasi, kuwaas oo ka soo ambabaxay Balcad, kuna sii jeeday Jowar.

Mas’uuliyiinta la xaqiijiyey inay qaraxaasi ku dhinteen waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda ee gobolka Sh/Dhexe, Cabdulllaahi Shitaawe, wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga Hirshabelle, Sabriye Cusmaan iyo nin lagu magacaabayey Xasan Baldoos, kaas oo la shaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Samafalka ee gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaaraha uu ka badan yahay intaasi  islamarkaana ay jiraan dhaawacyo kale.

Weli ma jirto cid faah faahin ka bixisay qaraxaasi, balse waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo maalmihii la soo dhaafay aad loga digayey amni darro baahsan oo ka jirta waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xaafiiska Jowhar
caasimada@live.com