Dagaal khasaare sababay oo ka dhacay Dhuusamareeb

Dhuusamaereeb (Caasimada online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan dowladda, gaar ahaan kuwa Danab oo saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka oo ahaa mid kooban uu ka qarxay agagaarka garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi.

Inta la xaqiiiyey waxaa israsaaseyntaasi ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu yimid, kadib muran ka dhashay waxyaabaha maanka dooriya oo ay isticmaalyeen askar ka tirsan kuwa dowladda.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in goobta ay gaareen saraakiil ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku baxay xiisadaasi, si ay u xaliyaan.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda ee dhowaan la geeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo ay wada dagaamalamaan ciidamo ka wada tirsan dowladda, waxaana horay magaaladaasi isugu fara saaray ciidamo ka kala tirsan Nabad Sugida iyo Booliska Soomaaliya.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com