Xidig oo dhaawaca Qalyar la xiriiriyey hadal uu maalin ka hor sheegay A/Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha Jubaland ayaa ka hadlay dhaawacii xalay Kismaayo loogu gaystay Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland. Hoos ka aqriso qoraal uu Xidig soo dhigay bartiisa facebook.

Bismilaah:

Ilaahay ayaan caafimaad degdeg ah uga baryeynaa Av. Axmed Jaamac Qalyar oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Bedbaadada isbedel doonka Jubaland:

Makhribnimadii Caawa ayaa lagu toogtay Magaalada Kismayo, dhakhatirta ayaa la tacaaleysa dhaawiciisa waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu xaaladiisa sahlo:

Waa hubaal inuu xidhiidh toosa ka dhexeeyo Khudbadii Naflacaariga ahayd ee shalay uu jeediyay Madaxweynihii hore ee Jubaland iyo toogashada Caawa:

Golaha Badbaadada isbedel doonka Jubaland Waxaan ka codsanayaa inay usoo duceeyaan Av.Axmed Jaamac:

Sidoo kale Golaha isbedel doonka Jubaland Waxaan ugu baaqayaa inay feejignaan dheeriya galaan: Waa hubaal inuusan ruuxna maalintiisa dhaafaynin:

Golaha isbedel doonka Jubaland marna ma hakin doono ujeedada iyo goolka isbedel doonka:

Shacabka Jubaland, Dowlada Federaalka, Beesha caalamka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ugu baaqayaa inay Gutaan masuuliyada ka saaran Ilaalinta Shacabka iyo Dadka masuuliyiinta ee indhaha u ah bulshada:

Amaana Alaah:
Xidig
Kismayo

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com