25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Magacyada xildhibaanada ugu horeeyay ee kusoo baxay aqalka hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Magaalada Garowe oo saaka ay ka bilaabatay doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa kusoo baxay qaar kamid ah xildhibaanada tartamayay.

Kursiga ugu horeeyay ee lagu tartamo ayaa ahaa kuriga Beesha Ciise Maxamuud waxaana ku tartamayay C/rashiid Xasan iyo xildhibaan Cali Yuusuf Xosh.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee la xaqiijiyay inuu ku guuleystay kuriga maadaama uu helay 49 cod halka c/rashiid uu helay 2 cod.

Kursigan oo murun badan uu ka taagnaa ayaa waxaa ku guuleystay Cali Xoosh oo markii horaba loo saadaalinayay.

Doorashada ayaa wali ka socota magaalada Garowe, waxaana maamulka Puntland uu noqonayaa maamulkii ugu horeeyay ee qabta doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka.

cal

La soco waxii kusoo kordhaa doorashada 

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News