Magacyada xubnaha DF iyo Somaliland uga wakiilka ah guddiga farsamo (Aqriso)

Jabuuti (Caasimada Online) – Dalka Jabuuti waxaa shalay si rasmi ah uga furmay shirkii ay lahaayeen guddiyada farsamada ee labada dhinac ee dowladda federaalka iyo Somaliland ku matalaya wadahadallada.

Furitaanka shirka waxaa joogay saddexda madaxweyne ee Jabuuti, Soomaaliya iyo Somaliland. Intaas kadib ayaa la sheegay inay shir wada galeen guddiyada farsamada, iyadoo wadahadallada u fududaynayo wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Wada-hadallada ayaa socon doona illaa waqti aan la cayimin, oo ah in ama heshiis lagu gaaro ama lagu kala tago. Si kastaba, Caasimada Online ayaa heshay magacyada xubnaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uga jira guddiga. Hoos ka aqriso

Magacyada xubnaha guddiga farsamo ee dowladda federaalka

1 – Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka,
2 – Cabdirashid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka
3 – Xuseen Cabdi Cilmi Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka
4 – Maxamed Dahir Afrax guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Fulinta iyo Dib-u-eegista Dastuurka
5 – Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud, Xeer llaaliyaha Guud ee Qaranka
6 – Maryan Cariif Qaasim, Xildhibaan
7 – Balal Maxamed Cusmaan, La-taliyaha Sare iyo Wakiilka Madaxweynaha ee Arrimaha Geeska Africa

Magacyada xubnaha guddiga farsamo ee Somaliland

1 – Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon, Waslirka Arrimaha Dibadda
2 – Maxamuud Xasan Saajin, Waslirka Ganacsiga iyo Dalxiiska
3 – Saciid  Sulub Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumaysiga
4 – Dr. Sacad All Shire, Wasiirka Horumainta Maaliyadda
5 – Dr. Edna Adan Ismaaciil, Ergayga Somaliland ee wada-hadallada
6 – Danjire Cabdifatax Saciid Axmed, Safiirka Somaliland u fadhlya Jabuuti
7 – Mubarik Ismaaciil Taani, Xoghayaha Madaxweynaha Somaliland