Mahad Salaad: Ballan qaadka Farmaajo waxa uu horseedi doonaa ka ganacsiga qaraxyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan uu Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo shaaca ka qaaday inuu abaalmarinaayo dadka soo sheega Gawaarida lagu soo xiro Qaraxyadda, ayaa waxaa aragti ahaan arrintaasi dhaliilay Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Mahad Maxamed Salaad.

Qoraal uu Wasiiru dowlaha kusoo daabacay bogiisa Facebook, ayaa waxa uu kaga hor imaaday ballanqaadka Madaxweynaha ee 100,000 oo Dollar, waxa uuna sheegay in ballanqaadka noocaasi ah uu sahlaayo inay bataan Qaraxyada si dhaqaale loogu helo.

Nuqul kamid ah qoraalkiisa ayaa u qornaa ”Aniga waxay ila tahay Soomaaliya Amnigeeda inaan lagu sugi karin lacag la bixiyo ee waxaan u baahanahay Istaraatijiyad Qaran oo leh Mug Dhaqaale, Mug Ciiddan iyo Mug Abaabul Bulshadeed”

Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Mahad Maxamed Salaad, oo qoraal dheer kusoo bandhigay beejkiisa ayaa waxa uu kusoo bandhigay ilaa 3 Sababood oo uu ku micneynaayo dhibaatooyinka ka dhalankara.

SABABAHA

Sababta 1-aad: Kaba soo qaad bishii in la soo sheego 10 Qarax, kharashka ku baxaya waxa uu noqonayaa hal million dollar.

Kharashkaasna kama go’i karo Miisaaniyada Dowlada oo ku tiirsan oo kaliya lacagaha ka soo xarooda Dekada iyo Airport Magaalada Mogadishu iyo deeqaha laga sugayo Dowladaha Ajnabiga ah oo iyadana ku xiran shuruudo adag, ayna adag tahay in la fuliyo.!!!

Sababta 2-aad: Waxaa jiri kara Hay’ado iyo shaqsiyaad ka ganacsada qaraxyada been abuurka ah ee marar badan la sheego in la qabtay. Marka waxay dhiiragelin u noqon kartaa Suuqa Madow ee Ka-ganacsiga Qaraxyadda !!!

Sababta 3-aad: Kharajkaas la bixinayo waxay kooxaha Nabad Diidka ah u isticmaali karaan maaligelinta Qaraxyadooda. Tusaale ahaan:

Baabuurta qaraxyada ay u isticmaalaan kooxaha Nabad Diidka ah qiimo ahaan waxay u dhaxeeyaan $5,000 ilaa $15,000 dollar. Marka waxaa suuragal ah inta soo sheegaan hal gaari inla siiyo lacagtii ay ku meel gelin lahaayeen 10 gaari oo kale.!!!

Sidaas daraadeed waxaan qabaa la dagaalanka Kooxaha Nabad Diidka inay u baahan tahay Istaraatijiyad ka ballaaran Lacag la bixiyo!!!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com