Mahad Salaad ” Dowladnimadu jaakado waaweyn oo la xirto ma’ahan ee waxay u baahan tahay…”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ah XIldhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaasna aan ku qanacsaneyn siyaasadda dowladda Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu weerar ugu qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta kaasoo soo saaray waraaq uusan la ogeyn Wasiir Juxa.

Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada kasoo horjeedo dowladda ayaa sheegay inaysan dowladnimo aheyn Jaakad weyn oo la xirto balse ay u baahan tahay Aqoon, Waayo aragnimo iyo garasho Mas’uuliyadeed oo misaaman sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Mahad Salaad soo dhigay Bartiisa Facebook ee rasmiga ah:

Dowladnimadu jaakado waaweyn oo la xirto ma’ahan ee aqoon, waayo aragnimo iyo garasho mas’uuliyadeed oo miisaamaan ayay u baahantahay.

Sida ku cad qodobka 102 ee Dastuurka KMG ah Wasiirka ayaa mas’uulka ah howlaha Wasaarada, isaga oo joogana Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Dowluhu kuma hadli karaan magaca iyo mas’uuliyada Wasaarada.

Hadaba hadii Dastuurka dalka sidaan qabo, ayna run noqoto in waraaqdani kasoo baxday xaafiiska Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha iyo Federaalka, xagee ayuu ka keenay awoodaan uu marooqsaday, yuusa wakiil uga yahay duminta maamulka Galmudug ee deegaan ahaan uu kasoo jeedo?!

Waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Abdi Faarax Juxa cadeynta uu cadeeyay mowqifka Wasaaradiisa.

Hon. Mahad Salad