Mahad Salaad: Magacaabistii shalay waa mid Farmaajo ku urursanayo dad wax u dila

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si weyn uga hor-yimid magacaabistii ugu dambeysay ee taliyayaasha cusub ee ciidamada dowladda Soomaaliya ee shalay ay sameeyeen golaha wasiirada Soomaaliya.

Mahad Salaad ayaa ku macneeyey tallaabadan in madaxweyne Faraamjo ku urursanayo dad wax u dila sida uu hadalka u dhigay. Qoraal Mahad Salaad uu arrintan kasoo saaray oo uu soo dhigay Facebook hoos ka aqriso.

RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA!

Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, lkn aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA. Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay RATIGA HOOG HAANTA UGU WEYN IN UU KA FURTO!

Hon. Mahad Salad