Mahad Salaad oo war kasoo saaray dilka Bakaal Kooke

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal kooban kasoo saaray geerida Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobolka Gedo, isagoo amray in baaris lagu sameeyo qaraxii lagu dilay.

Bakaal Kooke ayaa lagu qarxiyay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta gobolka.

Mahad Salaad ayaa ugu horeyntii tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha hay’adda iyo dhamaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Cabdiraxmaan Bakaal Kooke.

Sidoo kale waxa uu amray qaybaha baarista ee hay’adda NISA inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan kiiska dilka Taliye Bakaal Kooke.

Bakaal ayaa ahaa taliyaha gacanta ku hayay ammaanka gobolka Gedo labadii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa uu ahaa nin awood badan oo maamulka Jubbaland muddo dheer u diidanaa inuu ka howl-galo gobolka Gedo, wuxuuna taasi badalkeeda toos uga amar qaadan jiray dowladda dhexe ee Muqdisho.

Dilkaan ayaa imanayey saacado kadib markii garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho ay ciidamada dharcadka NISA ay shalay ka hor istaageen inuu ka dhoofo siyaasi kasoo jeeda gobolka Gedo.

Siyaasigan oo gacansaar la leh madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu magacaabaa Cabdillahi Cabdi Qariyow (Cabdillahi Shimbir), waxaana laga reebay diyaaradii uu la socday oo ku wajahneyd magaalada Beledxaawo.

Wararka ayaa sheegaya in tegista Cabdullaahi Shimbir ee gobolka Gedo uu diidanaa Taliyaha NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke ee hadda geeriyooday oo gacansaar la lahaa agaasimaha NISA Mahad Salaad.