Somaliland iyo ERITREA oo laga reebay shirka ka dhacay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa casuumad u fidin Madaxda Eritrea iyo Somaliland, si ay uga qeyb-galaan shirka Mareykanka iyo Afrika, xili ay madaxda Afrika isku diyaarinayaan in ay Washington kula kulmaan madaxweyne Joe Biden toddobaadka soo socda.

Sid ay xaqiijiyen Saraakiil Mareykanka ah, waxa shirkaas loogu marti-qaadi waayay Eritrea sababo ku aadan xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Washington oo xumaaday, halka Somaliland looga tegay aqoonsi la’aanta caalamka ka heysata sanadaha badan.

Shir Madaxeedka 2-aad ee hogaamiyayaasha Mareykanka iyo Afrika ayaa dhici doona inta u dhaxeysa 13-ka illaa 15-ka December, iyada oo Mareykanku uu doonayo inuu sii qoto dheereeyo xiriirrka uu la leeyahay Afrika oo uu la kulmo caqabadaha adag.

“Waxaa sii wadeynaa in aan si gooni-gooni ah ula shaqeyno dalalkaas si aan u dhiiri-gelinno ku soo laabashada ku-meel-gaarka dimoqraadiyadda, marka waxaan joognaa meel wanaagsan oo aan la yeelan karno iskaashi xooggan,” ayey tiri Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee Afrika Molly Phee.

“Waxaan rabnaa in aan hubinno in aragtideenu la jaan-qaado aragtida ay Afrikaanku u qabaan qaaraddooda,” ayey tiri Phee.

Mali, Sudan, Guinea iyo Burkina Faso ayaa laga joojiyay xubinimada 54-ka waddan ee Midowga Afrika sababo la xiriira xasillooni darro siyaasadeed.

Dhinaca kale, Marisa Lourenço oo ah fallanqeeye arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha ee fadhigeedu yahay Johannesburg, ayaa sheegtay in go’aanka looga saarayo qaar ka mid ah dowladaha Afrika shirkaan uu yahay mid aan cudur daar lahayn.

Marisa ayaa xustay in gabi ahaanba aysan “la-yaab ahayn” marka la eego xiisadda laba geesoodka ah ee u dhexeysa Mareykanka iyo dalalka laga saaray shirkaan.