Dagaal ka dhacay Gedo kadib markii sarkaal gadooday uu weeraray ciidanka Jubaland

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Dagaal gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii sarkaal magaciisa lagu sheegay Raambow oo horay uga gadooday maamulka degmada Ceelwaaq uu weerar ku qaaday xero ay mushahar ka qaadanayeen ciidamada Jubbaland.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubaland iyo sarkaalkii hoggaaminayay raggii weerarka soo qaaday ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, sida aan xogta ku helnay.

Dadka geeriyooday ayaa waxaa ka mid ah sarkaal lagu magacaabay Canjeex oo ka mid ah ciidamada Jubaland iyo sarkaalkii lagu magacaabay Raambow ee weerarka soo qaaday.

Sida aan xogta ku helnay, dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay dadka deegaanka oo taageerayey mas’uuliyiinta degmada Ceelwaaq.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay ku raadjoogaan maleeshiyadii weerarka soo qaaday ee uu watay Raambow, kuwaas oo la sheegay in hadda ay baxsadeen.

Ceelwaaq waa degmada kaliya ee ka tirsan Gedo ee si buuxda uu gacanta ugu hayo maamulka Jubaland, waxaana sidoo kale ku sugan ciidan Kenyan ah oo ku howlgala magaca howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Dagaalka ayaa yimid xilli la dilay Taliyihii ciidamada NISA ee Gobolka Gedo Bakaal Kooke, kaasi oo ku dhintay qarax ka dhacay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaas ku dartay in qaraxa sidoo kale uu ku dhaawacmay taliyihii hore ee NISA ee Baladxaawo iyo Doolloow Cabdullahi Kaniini.