Xasan Sheekh oo shaaciyey tallaabo uu qaaday habeenkii la weeraray Hotel Villa Rays

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska “The Guardian” uga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo weerarkii ugu dambeeyay ee lala beegsaday hoteel u dhow Madaxtooyada.

Mar kale ayu uku celiyay in waddanku uu ka gudbi karo caqabado badan oo xilligan jira, “si loo gaaro horumar waara oo loo  sameeyo dadka islamarkaana ay dadku qeyb ka yihiin hirgelintiisa”.

Madaxweyne Xasan ayaa maqaalkan uga hadlay tallaabo uu qaaday xilli uu weerar ka socday hotel u dhow xafiiskiisa xarunta madaxtooyada.

“Isbuucii lasoo dhaafay, Soomaaliya waxa ay markii ugu horreysay qabatay Shirka Maalgashiga Caalamiga ah. Maalin ka hor inta aanan furin kulankaas taariikhiga ah, waxaa jiray weerar argagixiso oo ka dhacay hotel u dhow xafiisyada madaxtooyada, kaasoo si laga murugoodo u galaaftay nolosha dad aan waxba galabsan kuwo kalena ku dhaawacmeen,” ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sharraxay sida ay xaaladdu ahayd habeenka uu weerarku socday iyo tallaabada uu qaaday marka uu waaga baryay.

“Habeenkii oo dhan waxaan maqlayay rasaasta, weerarkuna wuu socay marka uu shirku furmayay, ilaa laga soo afjaray galabtii, taasoo ku suurtagashay geesinnimada ciidamada ammaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Saddex jeer oo uu dil ka badbaaday Xasan Sheekh Maxamuud

Horay ayuu madaxweynaha Soomaaliya uga hadlay weerarro ka dhacay meelo isaga u dhow iyo dhowr jeer oo uu isaga oo madaxweyne ah ka badbaaday dil.

Maqaal uu aragtidiisa ku cabirayay oo uu bartamihii sanadkan ku qoray wargayska “The Economist” ayu uku sheegay saddex jeer oo uu ku sigtay in la dilo.

“Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu doonayay in la igu dilo,” ayuu yiri madaxweynaha.

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku daray: “Saddexda jeerba waxay ahaayeen waqtigii hore ee aan madaxweynaha ahaa [intii u dhaxaysay 16 September 2012 – 16 February 2017].

“Isku daygii ugu horreeyay wuxuu dhacay maalintii ugu horraysay ee aan xafiiska imid; midka labaad wuxuu dhacay anigoo u socda masjid ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada; midka saddexaadna wuxuu dhacay anigoo ku jira safar aan ugu socday magaalada Marka, oo aan ka xoraynay Al-Shabaab.”

Weerarka ugu horreeyay ee uu Xasan Sheekh ka hadlay, oo ahaa qarax ka dhacay hoteelka Jasiira, waxaa lagu beegay xilli uu madaxweyna la shirayay mas’uuliyiin shisheeye ah.

Waxaa mas’uuliuuunya goobjoogga ahaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Sam Ongeri.

Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay madaxweynaha oo isagoo hadlaya ay jugta qaraxa dhacday, una muuqday inuu gabbaday.

Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo dhaariyay markii labaad, waxa uu ku celcelinayay in uu Al-Shabaab dagaal la geli doono, uuna qorshaynayo sidii uu uga guulaysan lahaa.

Isha: BBC