MAHAD SALAAD oo si kulul uga hadlay qoraalkii Cali Cosoble ee xiisada abuuray

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ayaa aragti ka dhiibtay qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay madaxweynahii hore Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee mucaaradka dowladda dhexe ayaa si weyn ula yaabay qoraalka uu soo dhigay masuulkii hore Hirshabelle, wuxuuna u sheegay inuu ka gabay doorkiisii odaytinimo, sidoo kalana qoraalka uu soo qoray uu wax u dhibayo mansabkiisa iyo miisaankiisa.

Cosoble wuxuu bulshada reer Hiiraan ugu baaqay iney sameystaan maamul u gaar ah taasoo ay ka dhalaneyso in lasoo faragaliyo, taasna ay tahay kaliya halka arrin oo ay cadkooda ku dhacsan karaan.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay iney ka hortagaan waxa uu ugu yeeray fowdo, isagoo si gaar ah ula hadlay beesha Xawaadle.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD: