Mahad Salaad: Shalay waxa ay dhiibeen QALBI-DHAGAX, maantana AMAAL NUUR

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay go’aanka ay dowladda Soomaaliya ugu wareejisay dowladda Denmark gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Amaal Nuur Cusmaan.

Gabadhan oo haysata dhalashada dalka Denmark, balse hooyadeed dalka ula soo carartay si ay aysan uga leexan dariiqa saxda ah ee Islaamka, ayey dowladda dib ugu gacan gelisay Denmark, ayada oo uga aargudaneysa dhalleeceyn ay hooyo Amran u jeedisay Villa Somalia.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Shalay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayay inta afduubeen Itoobiya u dhiibeen. Maantana Amal Nuur Cusmaan oo waalidkeed dhul gaalo kala soo cararay si diinteeda iyo dhaqankeeda loo badbaadiyo ayay Mogadishu inta ka afduubeen dib ugu celiyeen dalkii lagala soo cararay!?

Shalay ayay ahayd markii uu soo shaac baxay muuqaal muuqaalka Amaal Nuur Cusmaan oo ay wareysaneyso Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed, islamarkaana ay wehliso safiirka Denmark ee Soomaaliya Mette Knudsen.

Ujeedka muuqaalka loo dusiyey ayaa sida aan xog ku helnay ah in lagu muujiyo in aan Amaal wax dhib ah loo gaysan islamarkaana aysan afduuban ciidamada Villa Somalia, sida ay hooyadeed ku eedeysay.

Hase yeeshee, muuqaalkan ayaa carro leh ku abuuray shacabka, oo wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda ay Denmark u gacan geliso gabar loogala soo cararay diinteeda darteed, iyo cabsi laga qabay inay waddada saxan ee Islaamka ay ka leexato, taasi oo hadda ay halis ugu jirto, maadaama lagu celiyey Denmark.