Mahad Salad: Madaxda DF waxay billaabeen arrin ay Soomaali ka dagaalantay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ee mucaaradka ku ah xukuumadda ayaa ka hadlay ishor istaagii lagu sameeyay C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in xiligan aan la joojin waqtigii awooda ciidan loo adeegsan jiray caburinta siyaasiyiinta.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa Sidan:-

Soomaaliya waa soo dhaaftay xiligii lagu maamuli jiray caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina!

SIMINAAR SIYAASADEED oo waxa ugu badan ee kasoo bixi kara ay yihiin in dadka kasoo qayb galay ay isku sheegaan wax umaddu wada ogtahay oo ah ”marxalada maanta dalkeenu marayo iyo marin habaabinta ku dhacday majaraha siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo kooxdiisu higsanayaan” in waxaas oo awood ciidan ah la iskugu geeyo si loo baajiyo waxay daliil cad u tahay MUSTAQBALKA MADOW ee dalkeena kusoo foolka leh.

Waxaa kale oo nasiib daro aad u weyn ah in ciidamadii qaranka ee u xilsaarnaa difaacida dalka, ilaalinta shuruucda dalka iyo dhowrista sharafta iyo karaamada muwaadinka Soomaaliyeed loo adeegsado caburin, cagojugleyn iyo dilal siyaasadeed. Arintaani waxay wadada u sii xaaraysaa in aan dalkaan doorasho laga qaban doonin 2020 ee la doonayo in xoog ciidan iyo xukun marooqsigii Baydhabo oo kale lagu haysto!

Horay ayaa Soomaali uga dhiidhisay caburin, cagojugleyn iyo cudud ciidan oo wax lagu maamulo. Waxayna na dhaxalsiiyay dhimasho, dhaawac, barakac, burbur hantiyadeed, qabyaalad iyo qabqable ma naxariiste ah, qowlaysato shaar diimeed inta noo soo xirta dadka shacabka ah qarax ku gumaada iyo quwado shisheeye oo masiirkeena ku amar ku taagleeya!

Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha iyo kooxdiisa sidaan xukun aad ku nagaataan kuma imaanayo ee dalkaan dib u dhac iyo burbur kale ha u horseedinina!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com