Mahad Salad oo shaaciyey xog argagax leh oo la xiriirta askartii la geeyey Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey xog cusub oo ku saabsan ciidamo ay dowladda federaalka u geysay dalka Eritrea sidii tobabar loogu soo siin lahaa, oo markii dambe qeyb ka noqday dagaalkii ay xukuumadda Abiy Ahmed ku qaaday maamulkii Tigreyga.

Waxa uu sheegay in ehelada iyo asxaabta dhalinyarada tobabarka loo geeyay Eritrea ay u xaqiijiyeen in dagaalkaas ay ka qeyb galeen saddex kun oo dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasi oo badankoodu ku dhintay dagaalka Itoobiya, iyaga oo gacan siinaya xukuumadda Abiy.

Wiil kamid ah dhalinyaradii Soomaalida aheyd ee ka qeyb galay dagaalkaas, ayaa sheegay in nolol uu ku arkay 180 dhaawac ah oo isagu ku jiray, taasi oo ka dhigeysa in kumanaankii kale ay intaas oo keliya ka bad-baadeen dagaalkii kululaa ee la galiyay dhalinyarada Soomaalida.

Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad oo dhameystiran.

Tiradeenu waxay ahayd 3,000 hadana wax nool waxaan ka arkay 180 dhaawac oo anigu aan ku jiro!

Waxa ila soo xariiray dad badan oo isugu jira ehel iyo asxaab, sanad ka horna caruurtooda dalka Eratareeya loo qaaday nolol iyo geerina aan meel lagu sheegin.

Mid ka mid ah caruurtaas oo maalmo kahor la soo xiriiray eheladiisa wuxuu sheegay in la geeyay magaalada Mekele ee Gobolka Tigreega ayna ka qayb galeen dagaalkii halkaas ka socday, wuxuuna sheegay in tiradoodu ahayd 3,000 hadana wax nool uu ka arkay 180 dhaawac ah oo isagu ku jiro.

Waa arin aad u foolxun, murugo iyo uur ku taalana ku beertay ehelada caruurtooda lagu xasuuqay dagaalka Itoobiya ka holcaya.

Waxaan ugu baaqayaa Musharaxiinta, Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka iyo Siyaasiinta in gacan la siiyo waalidiinta caruurtaas dhalay oo lala  baadi-goobo caruurtooda nolol iyo geeri mid uun!

Hon. Mahad Salad