Mahdi Guuleed oo weeraray guddoomiyaha Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo wareysi gaar ah siiyey Horufadhi Media TV ayaa weerar afka ku qaaday guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Mahdi Guuleed ayaa wareysigan ku sheegay in guddoomiyaha aqalka sare uu haatan u muuqdo hoggaamiye mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in sanadihii u dambeeyey uu soo saarayey qoraallo is-daba joog ah oo uu uga soo horjeedo shaqada socota & doorashada 2020/2021.

“Dhowrkii sano ee u dambeeysay sida aad Warbaahinta kala socoteen guddoomiye Cabdi Xaashi waxaa uu soo saarayay qoraalo isdab-joog ah,wuxuu u muuqdaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad ah,” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyey Cabdi Xaashi inuu hoos u dhigay golaha sharci dajinta, isaga oo hoosta ka xariiqay in muddo fog aysan kulmin, islamarkaana ay baaqdeen shirar muhiim ahaa.

“Wuxuu sidoo kale hoos u dhigay golihii Sharci dejinta oo muddo ma aysan kulmin oo qeylo-dhaantooda waad ogeyd, shirarkii loo baahnaa ma dhicin,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha golaha aqalka sare ay isku hayaan dhismaha guddiyada doorashooyinka, gaar ahaan xubnaha gobollada waqooyi ku metalaya guddiga doorashada ee heer federaal.