Mahdi Guuleed oo xilka ka qaaday xoghayihii joogtada xafiiska R/W ee toddobaad un kahor uu magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Ra’iisul wasaraha ahna Raiisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xilka ka qaaday xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdirasaaq Xuseen Aadan, toddobaad un kadib markii uu xilka u magacaabay.

Cabdirasaaq Xuseen Aadan ayaa waxaa lagu bedelay Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim oo horey u ahaa ku-xigeenka xoghayaha joogtada.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay boggiisa twitter-ka ayuu Mahdi Guuleed ku yiri “Waxaan Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka  xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha. Waxuu bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan.”

Cabdirisaaq Aadan Guuleed oo horey u ahaa agaasime ku xigeenka Villa Somalia, ayaa xilkan loo dhiibay 25-kii July, oo ahayd malaintii uu Mahdi Guuleed la wareegay xilka sii hayaha ra’iisul wasaaraha, saacado kadib markii xilka laga qaaday ra’iisul wasaare Kheyre.

Cabdirisaaq ayaa bedelay Axmednuur Maxamed Cabdi oo muddo ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Kheyre, kaasi oo si aad ah ay isugu dhowaayeen Xasan Cali Kheyre.

Ma cadda waxa keenay isbedelkan deg degga ah ee uu sameeyey Mahdi Guuleed, hase yeeshee warar aan helnay ayaa sheegaya in arrintan ay ka dhalatay dhacdo aan la mahdin oo maanta ka dhacday xafiiska ra’iisul wasaaraha, taasi oo weli aan baaritaan ku hayno sax ahaanshahaeeda, dibna kasoo sheegi doono, Insha Allah.