26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Maleeshiyaad hubeysan oo maanta la wareegay xarunta degmada Galdogob

Bookmark
Bookmarked

Share

Galdogob (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Galdogob ee gobolkaasi, kadib markii ay gudaha u galeen maleeshiyaad gadoodsan oo hub culus wata.

Maleeshiyaadka oo ka careysan xilka qaadis lagu sameeyay agaasimihii arrimaha bulshada dowladda hoose ee degmada Galdogob, Cabdiqani Cabdinuur Cismaan ayaa gebi ahaan la wareegay xarunta dowladda hoose ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Ciidamada gadoodsan oo hadda dhaq-dhaqaaq culus ka wada halkaasi ayaa dalbanaya in Cabdiqani dib loo soo celiyo xilkiisa, haddii kalena aysan ka bixin doonin xarunta dowladda hoose oo ay saaka la wareegeen, waxaana istaagtay gebi ahaan shaqadii ka socotay.

Wararka ayaa sheegaya xilka qaadista agaasimaha arrimaha bulshada ee degmada Galdogob ay khilaaf dhinaca maamulka ah iyo xaalad kacsanaan ah ka abuurtay degmadaasi, iyada maleeshiyaadka ku haybta ah ay hadda ku suganyihiin xafiisyada maamulka.

Shacabka ku dhaqan degmada ayaa walaac ka muujiyay xiisadda soo korortay oo saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa guud, maadaama rag hubeysan ay soo galeen magaalada.

Dhinaca kale, mas’uuliyiin maamulka gobolka iyo odayaashaq dhaqanka ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo lagu xalinayo xiisaddaasi, si xal loogu helo khilaafka culus ee ka taagan halkaasi.

Dhinacyada ayaa sidoo kale wada-hadal la furay maleeshiyaadka hadda gacanta ku haya xarunta dowladda hoose, si looga wareejiyo lkadib loo xalliyo khilaafka taagan.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxda sare ee Puntland, kuna aadan xiisadda culus ee haatan kasoo cusboonaatay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Puntland ayaa waxaa ku badan gadoodka ay sameeyaan maleeshiyaadka beelaha iyo xittaa ciidamada, waxaana soo celceliyay cabasho xoogan oo ka jira deegaannada maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News