Maleeshiyaad hubeysan oo maanta la wareegay hoolka doorashada degmada EYL

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen hoolka doorashada degmada Eyl, halkaas oo la filayey in lagu qabto doorashada guddoonka golaha deegaanka.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxa ay iska hor imaad kooban la galeen ciidamada Booliska, iyaga oo kadib kala wareegay hoolka doorashada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya  in ugu yaraan hal qof uu ku dhaaawacmay shaqaaqadaasi, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Arrintan ayaa salka ku heyso is qab-qabsi ka dhashay doorashada guddoomiyaha golaha deegaanka iyo ku xigeenkiisa, kadib markii ay kala jabeen xubnaha ururka Kaah oo laba garab kala noqday, isla-markaana ku kala tegay qaab Qabiil, sida aan xogta ku helnay.

Xiisadda ayaa waxaa sii xoojiyey in labada garab ay kala wataan musharixiin u taagan doorashada guddoomiyaha degmada Eyl, taas oo keentay isku dhacooda.

Sidoo kale qaar kamid ah siyaasiyiinta ururada mucaaradka ayaa ku eedeeyay garab ka mid ah ururka Kaah inuu ka dambeeyo falka ka dhacay degmada Eyl, waxayna sheegeen in lagu carqaladaynayo geeddi socodka doorashada axsaabta badan ee ka socota Puntland.

Si kastaba, Ururada mucaaradka ayaa uga guuleystay urur siyaasadeedka xukuumadda guddoomiyaasha degmooyinka Qardho iyo Ufeyn oo laga qabtay doorashada qof iyo cod.