Maareeye ku-xigeen caan ahaa oo Caawa la khaarijiyay (Magaca)

Boosaaso (Caasimada Online)-Waxa caawa fiidki magaalada Boosaaso lagu dilay Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis Cabdullaahi Cumar Cali.

Dilka Maareeye ku-xigeenka ayaa waxaa fuliyay Seddex maleeshiyo oo ku hubeysnaa bastoolado kuwaasi oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dilka Maareeye ku xigeenka ayaa dhacay xilli uu ka soo baxay Masjid uu salaada cishaha ku soo tukaday, waxaana rasaasta looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa la sheegay inay u gacan haatiyeen marxuumka kadibna markii ay hubsadeen ay ku dhufteen dhowr xabadood.

Intaa kadib ciidamada ammaanka Puntland ayaa bilaabay hawlgal looga daba tagayo raggii dilka geystay, waxaana dilkan aad u hadal haya dadka ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Dilkaani ayaa kusoo beegmaaya xili deegaanada Puntland ay marti galineyso dilal iyo Qaraxyo lala beegsanaayo mas’uuliyiinta.

Caasimada Online

Xafiiska Boosaaso

Caasimada@live.com