Wararkii ugu danbeeyay ee laga helaayo gacan ku dhigista Cabdi Iley & Saraakiil ka tirsan Liyuu Boolis (Warbixin)

Jigjiga (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa gacan ku dhigista madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka soomaalida Ethiopia  Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Iley).

Cabdi Iley, ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidammada militariga federaalka, waxaana lasoo sheegayaa inuu la socday Diyaarad Militery oo goordhow ka degtay magaalada Addis Ababa.

Balse dad ku sugan magaalada Jigjiga ayaa soo sheegaya in Cabdi Iley saacado badan lagu wareysanaayay Garoonka, iminkana laga dajiyay magaalada Addis Ababa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Maxamuud Cumar ay militariga u kaxaysteen dhismo weyn oo ku dhexyaala magaalada Addis Ababa gaar ahaan meel aan sidaa uga sii fogeyn dhismihii uu ku xirnaan jiray Qalbi-Dhagax.

Diyaarada Militery ee Cabdi Iley ka dajisay Garoonka Bole ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinaayay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsana Liyuu Boolis oo dhibaatooyin farabadan iyo xasuuq horey ugu geystay dad shacab ahaa oo aan wax galabsan.

Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah saalaadiinta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia oo faah faahin ka bixinaayay kaxeynta Cabdi Iley iyo Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay dhibaateeyen Cabdi Iley.

Waxa uu cadeeyay in goordhow la gaarsiiyay magaalad Addis Ababa isla markaana lagu dhex wareystay Garoonka Jigjiga.

Shalay ayay hayd markii madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Jigjiga

Caasimada@live.com