Sawirro qurxoon: DFS oo soo bandhigtay ciidamo cusub oo ka tayo badan kuwii hore (Tirada + Qorshaha)

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia lagu soo bandhigay ciidamo cusub oo la sheegay in loo soo xiray tababar muddo u socday.

Ciidamadan oo iminka qalinjabiyay ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xerada cusub ee dhawaan uu Turkiga ka furay duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo dhan waliba ka diyaarsan ayaa tababarka ku qaatay Xeradda Ciidamada Turkiga ee lagu Magacaabo Turksom ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ugu khudbeeyay mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Saraakiisha Turkida ee tababarka soo xiray ayaa dowlada Somalia u sheegay in ciidamadaani ay ku filnaan karaan howlaha muhiimka, isla markaana ay u diyaarsan yihiin difaaca xarumaha muhiimka ah iyo Madaxda Qaranka.

Saraakiisha Turkida waxa ay cadeeyen in ciidamadaasi lasoo bandhigay ay ka tayo badan yihiin ciidamada kale ee ku sugan dalka, sidaa aawgeed la doonaayo in dowlada Somalia ay ka faa’iideysato dhalinyaradeeda.

Munaasabad lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh , Taliyaha Ciidamada xoogga Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod iyo Wasiirka Difaaca.

Ciidamadaan oo da’yar ayaa waxaa muddo tababar siinaayay saraakiil turki ah, tiradda Ciidamada Tababarka loo soo xiray ayaa ah 47.

Ciidamadan ayaa lagu wadaa in lagu biiriyo ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya Madaxda ugu sareysa dalka maadaama ay mareen tababaro ka adag kuwii hore.

Mas’uliyiintii goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Turkiga dadaallada ay ku xoojinayso dhismaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.