Macawiisleyda oo jawaab ka bixiyey weerarkii Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaadka kooxda Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Geed-weyne oo hoostaga degmada Jalalaqsi oo ka tirsan gobolkaasi, halkaas oo ay sidoo kale ku suganaayeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyaadka Macawiisleyda ayaa weerarka la beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana kadib qarxay dagaal culus oo foolka fool ah.

Horjoogayaal u hadlay Macawiisley ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu jawaab u yahay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku leysay dadkii shacabka ahaa ee Sabtidii ka dhacay gudaha deegaanka Afar Irdood oo dhaca duleedka magaalada Beledweyne.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 15 xubnood, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen maleeshiyaadka Macaswiisleyda.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo milatari oo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab oo horey war uga soo saartay weerarkii ka dhacay Hiiraan ayaa sheegtay inay ku dishay maleeshiyaad ka tirsanaa Macawiisleyda oo qayb ka ah howlgalka gobolkaasi.

Hiiraan ayaa waxaa ka socdo dagaallo culus iyo weeraro ‘aargoosi ah’ oo ay kooxda Al-Shabaab ka billowday gobolkaasi, iyada oo gubtay ceelal iyo guryo ay leeyihiin shacab.