Man Utd oo 6 milyan oo ginni ku dooneysa xidiga kooxda Blackpool Thomas Ince.

Waxaa lasoo werinayaa in Manchester United ay ku dhowdahay inay 6 milyan oo ginni kula soo wareeto xidiga kooxda Blackpool Thomas Ince.

Sir Alex Ferguson ayaa doonaya inuu ciyaaryahankaan qadka dhexe marsiiyo wado uu horay u maray aabihii Paul uuna usoo dhaqaajiyo gegeda Old Trafford.

Ince ayaa sanadii hore Blackpool uga soo biiray kooxda Liverpool wuxuuna tayadiisa kusoo bandhigay horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska Championship.

20 jirkaan ayaa diirada u saarnaa intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoydu kooxda Swansea laakiin wuxuu nagi ku ahaa Tangerines, kuwaasoo 3-0 sabtidii ku lumiyey kooxda Cardiff.

United, ayaa si kastaba ha ahaatee, dooneysa inay xidigaan soo kaxeysato, sida uu werinaayo wargeyska England kasoo baxa ee Sunday Express.

Xidigaan ayaa yiri bishii lasoo dhaafay: “Xiisaha la ii qabo waa mid I tusinaaya inaan sameynaayo wax yaabo fiican.

“Laakiin tan keliya ee aan ku saxnaa ayaa aheyd inaan imid Blackpool sababtoo ah waxay I tusiyeen xiisahooda daaacadnimada ku dhisan.

“Wey I caawiyaan sababtoo ah ciyaaryahanku waa aniga.”