Maqaamka Muqdisho oo dood adag laga yeeshay iyo qorshe culus oo billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda dastuurka Soomaaliya ayaa maanta qabatay dood adag oo ku saabsan maqaamka caasimada oo muddo la’isku hayo.

Dooda oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano, guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xubna ka socday dalalka beesha caalamka.

Inta badan xubnahaan ayaa ka doodayey dardargalinta dhismaha maqaamka caasimada iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista dastuurka Waranka.

Cumar Filish oo ka hadlay madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey aragtida dadweynaha caasimadda ee ku aadan arrintaan, isagoo tilmaamay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay in ay hesho xaquuq la mid ah kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

“Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in ka badan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka caasimadda waxaana aragtida dadweynaha ka mid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib-udhiska Caadimadda iyo in magaaladu ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii ay caalamka ku laheyd”. ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo dooda qeyb ka ahaa ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimadda maqaamka Muqdisho, wuxuuna sheegay in marka hore loo baahan yahay in la xaliyo tabashada ay qabaan dadweynaha degan caasimada.

“Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaaradda dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka magaalada Muqdisho”. ayuu yiri wasiir Cabdi Maxamed Sabriye oo isna ka qeyb galayey qabashada doodadaasi.

Ugu dambeyn wasiirka dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo wasaaradiisu ay soo qaban qaabisay dooda ayaa carabka ku dhuftay in ujeedka dib ueegista dastuurka ay tahay mid la doonayo inay ku wada qanacsan yihiin guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho”. ayuu yiri wasiirka wasaaradda dastuurka xukuumadda Soomaaliya.

Maqaamka Muqdisho oo muddo ah la’isku hayo ayaan weli cadeyn, iyadoo haatan la’isku diyaarinayo doorashada guud ee dalka oo la filayo in la qabto sanadka dambe ee 2021ka.