Xaaf oo lagu qancinayo in uu ka qeyb galo caleemo-saarka Axmed Qoor Qoor

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wada-hadal hoose kula jirto Axmed Ducaalle Xaaf, oo weli ku adkaysanaya inuu yahay madaxweynaha Galmudug.

Wada-hadalladan oo soo socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in ay meel-wanaagsan marayaan, islamarkaana ay suurtagal tahay in Xaaf uu ka qeyb galo caleema-saarka madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, haddii lagu heshiiyo.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la sheegay inay wada-hadalkaan ay ka qeyb qaateen ayaga iyo siyaasiin kale, waxaana la sheegayaa in Madaxweyne Xaaf loo balan qaaday lacag boqolaal kun oo dollar ah.

Wararka ayaa sheegayaa in laba boqol oo kun oo dollar ay ku bixi doonto xalinta Xaaf halka warar kale ay sheegayaan in ay ka badan tahay.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la shaaciyo xiliga ay dhaceyso xafladda caleema saarka ah ee Madaxweyne Qoor Qoor, taas oo ay ka qeyb geli doonaan madax badan sida la filayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa wado dadaalo ay ku soo afjareyso tabashada Xaaf, halka wararku ay sheegayaan in dowladu ay sheegtay in aysan wax wadahadal dambe ah la geli doonin Ahlu-Sunna oo ay ku eedeeyeen in ay qal qal ka abuurayaan Galmudug.

Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay cadaadis kala kulmeyso dowladda Mareykanka oo dooneysa in Xaaf la qanciyo, six al buuxa loo gaaro.

Madaxweyne Xaaf ayaa dhowr jeer heshiis la galay dowladda Soomaaliya hase yeeshee waxaa jirtay in heshiisyadaas markii dambe ay ku dhamaadeen natiijo la’aan, sida uu warbaahinta ka sheegay Madaxweyne Xaaf.

Haddii dowladda ay ku guuleysato in Xaaf uu ka qeyb-galo caleemo-saarka, waxay sharciyad weyn siin doontaa Qoor Qoor, oo lagu doortay doorasho ay dowladda afduubatay.