Sawirro: Shir u dhexeeya DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada caasimada ah ee  Muqdisho uu ka furmo shirweyne u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimaha garsoorka iyo cadaalada dalka.

Shirkaan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda cadaalada, kaas oo la qabanayo sanadkii 2-aad.

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dhexe, xubno ka socda maamul goboleedyada dalka iyo marti sharaf kale.

Arrimaha laga wada hadlayo waxaa ka mid ah caqabadaha ka jira garsoorka, hufnaanta cadaaladda iyo waxyaabihii ka qabsoomay ballan qaadyadii hore.

Waxa kale oo shirka arrimaha garsoorka looga hadli doonaa hiigsiga sanadka soo socda ee 2121-ka iyo waxa ay tahay in la qabto, si loo hormariyo cadaalada dalka.

Shirweynahaan oo sanad kiiba mar la qabto ayaa 2020-ka ku soo aadaya, iyadoo ay weli caqabado badan ay ka jiraan dhanka garsoorka , gaar ahaan maxkamadaha dalka.