Ciidamada RRU oo laba nin kala baxay dugsi qur’aan

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee RRU ayaa waxay Talaadadii Magaalada Hargeysa ku xireen laba nin oo macalimiin ahaa.

Macalimiintan ayaa waxay wax ka dhigayeen maclaamad Qur’aanka Kariimka lagu barto, oo ku taala xaafadda Jarrato ee Magaalada Hargeysa.

Ciidamada RRU-da oo watay gaari Cabdi Bille ahaa ayaa malcaamadda kaga kaxeystay labada macalin oo dhalinyaro ahaa, iyadoo aan la garanayn ujeedada ka dambeysa xarigooda.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inaanay Saraakiisha hay’adaha ammaanka ka hadlin tallaabada lagu soo xiray macalimiintaasi.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Ciidamada Somaliland macalimiin kale oo laba ahaa, ay uga soo qabteen xaafadda Calaamadaha ee Magaalada Hargeysa.

Inta badan laamaha amniga Somaliland ayaan ka hadlin dadka ay gacanta ku soo dhigaan Ciidamada RRU-da, oo u tababaran la dagaalanka argagixisada.

Somaliland ayaa lagu tilmaamaa deegaanada ugu amniga wanaagsan, geyiga ay Soomaalidu degto.