Fiqi: Shaqadii xaafiiska R/W Kheyre waxaa loo weeciyey suuqa sarifka ee FOREX

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa sheegay in maalmahaan shaqadii xaafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre loo weeciyey suuqa sarifka lacagaha qalaad ee FOREX, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu goor dhaw ku baahiyey bartiisa Facebook ku sheegay in uu hayo xog sheegeysa in maalmaha soo socda golaha wasiirrada la hor geyn doono sharci uu sheegay in lagu naas-nuujinayo qaar ka mid ah shirkadaha FOREX oo ay wax ku leeyihiin xubno ka tirsan madaxda sare ee dowladda federaalka, in kastoo uusan carrabaabin shakhsi gaar ah.

Sidoo kale xildhibaankan ayaa nasiib sarro ku tilmaamay hadii ay dhacdo arintaas, isagoo ka digay in sharkadaha qaar la doonayo in suuqa laga saaro, qaarna gaar loo sharciyeysto.

Hoos ka aqriso qoraalka Xildhibaan Fiqi oo dhameystiran

Xafiiska Raysulwasaaraha oo shaqadiisii maalmahaan u weeciyey suuqa sarrifka lacagaha qalaad ee loo yaqaan FOREX.

Xogo muhiim ah oo soo baxaya ayaa tilmaamaya In qaar ka mid ah madaxda dawladda federaalku ay qaar shirkadaha FOREX ka mid ah shirko la noqdeen, tani ma ahan wax ceeb ah balse waxaa ceeb noqon doona marka uu hirgalo qorshe xafiiska RW Khayre ka socdo.

Qorshahaas ayaa ah In golaha wasiirada la marsado xeerar lagu naas-nuujinayo shirkadaha FOREX qaarkood ay wax ku leeyihiin (shareholders ka yihiin) madaxda Villa Somalia qaarkood, kuwaasoo waraaqaha ogolaanshaha shaqo kaligood siin doona shirkadaha ay wax ku leeyihiin kuwa kale ee tartanka kula jirana ayadoo si xun loo adeegsanayo magaca dawladnimada  la rabo in meesha laga saaro.

Horey bankiga dhexe ayaa waraaqo aan laga fiirsan oo lagu mamnuucayo FOREX soo saaray, haddana xeer gole wasiirro dan gaar ah laga leeyahay oo aan socon doonin sidii kii hore oo kale ayaan sugaynaa maalmaha soo socda.