Xukuumada Muuse Biixi oo war cusub ka soo saartay Oday ugu xiran Boorama

Hargeysa (Caasimada Online) –  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hadashay Oday dhaqameed mudooyinkii dambe ku xirnaa magaalada Boorama.

Maxamuud Xasan Sacad, Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Soomaliland oo xarigaasi ka hadlayey ayaa sheegay in Xarigooda uu daba-socdo Askari lagu dilay duleedka magaalada Boorama.

Wasiirka ayaa sheegay in Oday dhaqameedka ay xirnaan doonaan ilaa inta gacanta lagu soo dhigayo Gacan ku dhiiglaha dilka geystay maadama ay isku reer yihiin, wuxuuna yiri

“Nasiib daro waxa dhacday dadkiina lama keenin xoogay xadhig ah ayaa dhacay, xadhigu meelo badan ayuu ka dhacay xeebta wuu ka dhacay, dad waa la xidh-xidha lakiinse waxa weeyaan calaa-kuli-xaal arinta maan joogin iminkana waan ka hawl-galeyna”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaana aad iyo aad ugu rajo wayn yahay cidii dilka gaystay in gacanta lagu soo dhigo, Dadkan wax inoo dhaqan ah ayay iska noqotay cidii wax gaysatay hadii la waayo in ehelka la xidho,waxaan ku daadaali in cidi wax gaysatay gacanta lagu soo dhigo, dadka kalana xoriyadooda helaan”.

Duleedka magaalada Boorama ayaa lagu dilay Askarigan xarigooda lala xiriirinayo madax dhaqameedkan, kaasi oo la toogtay xili uu ka howl-galayey Mashruuca biyo balaadhinta magaalada Boorama.