Maqaaxida uu qaraxa ka dhacay oo gubaneysa iyo khasaare xooggan oo jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa olol iyo qiic ka baxaaya Maqaaxida Banaado oo ku taalla inta u dhexeysa Daljirka daahsoon iyo Taalada Xaawo Taakow.

Ololka iyo qiica ka baxaaya Maqaaxida ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay Shidaal lagu hor iibinaayay Maqaaxida la ag dhigay Gaariga Qarxay.

Ciidamada Amaanka iyo Gaadiidka Gurmadka ee Ambalasta ayaan awoodin inay badbaadiyaan dadka dhaawaca ee ku dhex jira Maqaaxida iyo banaankeeda, waxaana ololeysa afafka hore ee Maqaaxida.

Waxaa hadda gaaray goobta gaadiidka dabdamiska oo doonaaya inay baqtiyaan ololka iyo qiica hareereeyay Maqaaxida iyo wadada hormarta.

Banaanka iyo Gudaha Maqaaxida ayaa waxaa hor tuban Meydad iyo dhaawacyo farabadan oo ku waxyeeloobmay Qaraxa.

Ilaa iyo hadda lama oga Khasaaraha ka dhashay Qaraxa, balse waxaa lasoo sheegayaa in xiliga Qaraxa ay goobta aheyd mid mashquul badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com