Maraakiib Dagaal oo soo fariistay xeebta degmada Hobyo.

Wararka ka imanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xeebta magaaladaasi lagu arkay maraakiib dagaal, oo aan la garaneyn waddanka laga lee yahay.

Maraakiibtaasi oo ah illaa kuwa dhowr ah ayaa muddoo aan la cayimin waxa ay ku sugan yihiin xeebta, ayada oo ay joogaan meel aad ugu dhow xeebta oo si wanaagsan ay isha u qaban karto.

Warkan ayaa waxaa xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka degmada Hobyo Shariif Wada-Cadde, oo yiri in maamulkiisa illaa iyo hadda ay la yaaban yihiin sababta ay maraakiibtaas halkaasi u joogaan.

Shalay galab ayaa sidoo kale la sheegay in mid ka mid ah maraakiibta dagaal uu xeebta kusoo tuuray wiil dhallinyaro Soomaaliyeed ah, oo nool.

Wiilkaasi ayaa sheegay in ahaayeen 7 qof, oo laga soo qabtay xeebta Cadalle, islamarkaana lix ka mid dadkii isaga lala soo qabtay ay weli saaran yihiin markabka dagaal.

Dadka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in maraakiibtaasi ay yihiin kuwa reer galbeedka ee dhowaanahan joogay meelo ku dhow xeebaha Somalia, ayaga oo qiil ka dhiganayay inay la dagaalamayaan burcad badeedda, hase yeeshee la rumeysan yahay inay dano kale lee yihiin.