Ma taqaan hadallada haweenka xusuusta ku reeba?

Habluhu ma sinna, isku dooqna ma aha, midba wax gaar ah ayay xiiseysaa. Xeeldheerayaasha daraaseeya umuuraha haweenka waxa ay isku raaceen in quluubta dumarka ay aad u jilicsantahay markii uu jiro ruux gayaankeeda ah oo kula dabaasho mawajadaha cidlada iyo moolasha badan ee badweynta Caashaqa.

Akhrostow waxaan halkan kuugu soo uruuriyay qaar kamid ah hadalada ay jecelyihiin haweenka in dhagahoodu ay maqlaan. Erayadan kooban waxaa la sheegay in ay xiiso iyo xusuusba ku reebaan haweynka.

Waan ku jeclahay’ sadaxddan eray waa kuwa kaliya oo aysan dhagaheeda ka daalin inay maqlaan,inkastoo ay ogtahay inaad jeceshay suurtagalna aysan aheyn inaad noolaato la”aanteed hadana ku celcelintooda waxay dareensiiyaan reyreyn gaar ah.

‘Waxaan jeclahay cumrigeyga inta ka dhiman inaan adiga kula qaato’

‘Waligeey kuma qiyaanaayo’

‘Waad quruxbadantahay’ macnaha ma aha kaliya inay muuqal ahaan qurxoontahay waxay koloo muujineysaa in nafsiyan ay tahay mid quruxbadan.

‘Waxaad tahay qofkii ugu quruxda badnaa ee aan waligey dhaayo saaro’

‘Waan nasiibbadanahay maxaayeelay adiga ayaan ku helay’

‘Saaxiibaddaa waad ka qurux badantahay’

‘Kuma iloobidoono gacaliso’

‘Waan boogaadinayaa waxkasta oo aad ii sameyso’

‘Aduunka oo dhan ayaad ii tahay’ ayada oo og inaad muhiim u tahay hadana markii ay erayadaan kaa maqasho waxay dareentaa farxad gaar ah.

‘Waxaad i dhameystirtay’

‘Waad saxantahay’

‘Aniga ayaa ku leh’

‘Cuntada ugu macaan ayaad karintaqaanaa’

‘Nolasheyda Ayaad badashay’

‘Indhahaaga waan ka helaa’

‘Maxaad isleedahay macaanto’

‘Yaab ayaad leedahay’

‘La’aantaa waxaan ahay wax aan jirin’

Axmednuur Cabdulaahi Cali

Axmednuur2@hotmail.com

Caasimada Online

London