Mareykanka iyo M/Yurub oo faririn cad u diray Farmaajo kadib go’aankii Galmudug, HirShabelle iyo ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ammaantay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle inay kasoo horjeesteen muddo korodhsiga, ayna ku taageerene heshiiskii 17-kii September.

Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas.

Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo.

Berlanga ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal.

Maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.

Qoraal ay si wadajir ah usoo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen “Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin.

Dhinaca kale, Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa goor sii horeysay war kasoo saartay xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Qoraal kasoo baxay safaarada oo si toos ah ugu socda madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa waxa lagu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dagaalka isku rogay uu bur-burinayo rejada umadda iyo dalka Soomaaliyeed.

“Khilaafka siyaasadeed wuxuu bur-burinayaa rajada Soomaaliya. Waxaan mar labaad ka codsaneynaa dhamaan dhinacyada inay ka waantoobaan rabshadaha,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu baahiyey barta twitter-ka.

Safaaradda ayaa si toos ah u fartay Farmaajo iyo Rooble oo ah madaxda u sareysa ee dowladda waqtigeedu dhamaaday inay sida uga dhaqasaha badan dib ugu bilaabaan wada-hadaladii looga arrinsanayey doorashada ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Waxaan mar labaad ugu baaqeynaa Farmaajo iyo Rooble inay dib u bilaabaan wada-hadalkii ay la lahaayeen madaxda dowladaha xubnaha ka ah sida ugu dhaqsaha badan. Tani waa wadada kaliya ee horay loogu soconayo,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.