Jubaland iyo PUNTLAND oo war kasoo saaray xaaladda MUQDISHO iyo go’aanka Galmudug iyo HirShabelle

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa qoraallo ay soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen qoraalladii ay galabta soo saareen Ra’iisul Wasaare iyo madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle, kuwaas oo ay ku cadeeyeen in aysan raali ka aheyn mudo kororsigii uu sameystay Madaxweyne Farmaajo.

Ugu horeyn Puntland ayaa kula talisay dhigeeda Koonfur Galbeed in ay qaataan mowqif lamid ah kan ay qaateen madaxda dowlad goboleedyada kale iyo ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Puntland waxay ka xuntahay dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay Magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynaysaa cid kasta oo wax yeello ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ayaa ugu baaqday dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wadahadalladii doorashasda si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17-kii September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.

“Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa Midowga Murashaxiinta, Siyaasiyiinta, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dhammaan qaybaha Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geysataan illaalinta xasiloonida Dalka iyo sidii looga miro dhalin lahaa qabsoomidda doorasho wadar oggol ah.”

Ugu dambeyntii Puntland waxay wakiillada Beesha Caalamka ku bogaadisay in ay qaataan doorka diyaarinta shir lagu dhameystirayo heshiiskii 17 September si dhaqso dalka looga hirgaliyo doorasho nabad ah, wadar oggolna ah

Dhanka kale dowlad goboleedka Jubaland ayaa si lamid ah Puntland u soo dhaweeyey go’aanka ay qaateen maamullada kale ee Galmudug iyo HirShabeele, kaas oo ay ku diideen mudo kororsiga sharci darada ahaa.

“Dowlada Jubaland waxay soo dhawaynaysa go’aanka ay qaateen Dowladaha Galmudug iyo Hirshabeele kaas oo ay ku diideen mudo kororsiga sharci darada ah, Waxaan aaminsanahay heshiiska 17 Sep inuu yahay waxa  kaliyah ee laga amba qaadi karo doorashooyin loo dhan yahay oo dalka ka dhaca,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Sidoo kale Jubaland waxay ciidamada Qaranka ugu baaqday in aysan fulin hadii la siiyo amaro sharciga hareer-marsan, isla markaana aysan ku milmin siyaasadda.

Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland oo dhameystirsan.