LAFTA-GAREEN oo ku biiray diidmada muddo kororsiga

Baydhaba (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu shaaciyey in iyadoo laga duulayo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalka iyo ismari waaga arrimaha doorashooyinka ay K/Galbeed ku talineyso in dalka doorasho la isla ogolyahay loo jiheeyo.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada K/Galbeed oo ka kooban afar qodob, ayaa lagu yiri:

  1. In dib loogu noqdo wadaxaajoodka doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo talo-soojeedintii kasoo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021.
  2. In laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida.
  3. In Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
  4. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu uga mahadcelinayaa Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Qoraalkan ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Laftagareen oo ahaa shakhsiga ugu dhaw madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta ay si cad maamullada Galmudug iyo HirShabeelle uga hor yimaadeen mudo kororsigii labada sano ahaa ee uu sameystay Farmaajo, isla markaana ay soo dhaweeyeen Ra’iisul wasaare Rooble, Puntland iyo Jubbaland.