DF oo soo saartay qoraal ay ku amreyso in doorasho la galo ayada oo aan dib looga laaban wada-hadal dambe

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in toos loo aado doorashooyinka dalka, ayada oo aan dib looga laaban wada-hadalladii burburay.

“Iyadoo Laga Ambaqaadayo Barnaamijka xukuumadda ee ku aaddan hirgelinta Dooorashooyinka Qaranka oo ay fulinteeda u xilsaarantahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Wasaaradda oo fulinaysa awaamiirta Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya, waxay ugu baaqaysaa dhinacyada ay quseyso in ay bilaabaan dardar-galinta Nidaamka Doorashada Dalka ee uu saldhig u yahay hishiiskii 17 Sept 2020 ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha.

Qoraalka wasaaradda ayaa intaas ku sii daray, “waxay Wasaaraddu ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha doorashada dalka in ay u diyaar garoobaan doorasho jawi nabdoon ku dhacda, sida uu faray Wasiirka kowaad ee Xukuumadda Federalka Soomaaliya.”

Qoraalkan ayaa u muuqda mid ay dowladda ku dooneyso in doorasho lagu galo, ayada oo aan dib loogu laaban wada-hadalladii burburay, islamarkaana toos loo dhaqan geliyo heshiiskii 17-ka September ee qodobo badan oo ka mid ah ay dowladda jebisay.

Maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo musharaxiinta mucaaradka ayaa horey u sheegay in heshiiskaas aan doorasho lagu gelin karin, waana taas sababtii ay kadib heshiiskii u dhaceen dhowr wada-hadal oo aan miro-dhalin.

Hase yeeshee, qoraalkan ayaa u muuqda mid ay dowladda dooneyso inay kaga faa’iideysato xiisadda kacsan ee Muqdisho ee ka dhalatay muddo kororsiga, ayada oo isu muujineyso inay ka tanaasuleyso muddo kororsiga, taas beddelkeedna ay qasbeyso in la qaato heshiiska 17-ka September.

Si kastaba, khudbadda la filayo in caawa uu jeediyo Farmaajo ayaa kala caddeyn doono wax walba.

Hoos ka aqriso qoraalka wasaaradda