Mareykanka iyo Taliban oo saxiixday heshiis taariikhi ah oo ciidanka Mareykanka ay uga baxayaan Afghanistan

Doha (Caasimada Online) – Saraakiil Mareykan ah iyo wakiilo ka socda ururka Taliban ayaa maanta heshiis taariikhi ah ku kala saxiixday magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo soo gunaanado joogitaanka ciidamada Mareykanka ee dalkaas.

Heshiiska ayaa waxaa wada saxiixay ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar, waxaana goobjoog ka ahaa xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo.

Wakiilka Taliban ee Doha, Mohammed Naeem ayaa heshiiska ku qaaxay “tallaabo horey loo qaaday”. “Heshiiskan waxa uu soo geba gebeynayaa dagaalka Afghanistan,” ayuu u sheegay taleefishinka Al-Jazeera.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen dowladaha Mareykanka iyo Afghanistan ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka iyo NATO ay dalka Afghanistan uga bixi doonaan muddo 14 bil gudahood ah, haddii Taliban ay u hoggaansanto qodobada heshiiska.

Dalka Afghanistan waxaa ku sugan 14,000 oo askar Mareykan ah, iyo 17,000 oo kale oo ka socda 39-ka dal ee isbahaysiga NATO.

“Dowladda Mareykanka waxay ciidankeeda Afghanistan kusoo yareyn doontaa 8,600 oo askari, muddo 130 maalin gudahood ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka iyo Afghanistan.

Taliban ayaa sidoo kale ballan-qaaday inay joojiso dhammaan weerarad ka dhan ah ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO, waxaana daqiiqado ka hor inta aan la saxiixin heshiiska, ay ku amreen dagaalyahanadooda inay si rasmi ah u joojiyaan dagaalka.

Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in dowladda Afghanistan ay Golaha Ammaanka ee QM kala shaqeyso sidii xubnaha Taliban looga saari lahaa liiska xayiraadda, ugu dambeyn 29-ka bisha May.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah wada-hadallo nabadeed oo loo qabto dadka Afghanistan iyo in lasii daayo 5,000 oo dagaalyahan oo Taliban ah oo xabsiyada ku jira.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sanaddii 2018 bilalabay dadaallo Mareykanka uu kula hadlayo Taliban, isaga oo doonaya inuu soo afjaro dagaalka Afghanistan, oo ah kii ugu waqtiga dheeraa ee ciidamada Mareykanka ay ku lug yeeshaan taariikhda.